Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga Dacwad la xariirta Musuq maasuq oo loo heysto sarakiil katirsan Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa su’aalo waydiiyay sargaal ka socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda,isagoona sheegay in Maxkamadda ay màanta soo gabagabeyneyso kiiska la xariira Musuq maasuq.
Qareennada difacaya eedeysanayaasha ayaa dhankooda iska bari yèelay eedda, xeer ilaalinta kusoo eedeysay muwakiliintooda ee la xariirta Musuq maasuqa
Sidoo kale Xeer Ilaaliye Ku xigeen Maxamed Kurtun ayaa maxkamadda Rafcaanka ka codsaday in eedeysanayaasha ku xukunto dambiyada ay kusoo eedeeyeen.
Xafiiska Wararka Muqdisho