September 9, 2024

Pentagon-ka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo UK ay duqeymo ka fuliyeen 18 goobood oo Xuuthiyiinta Yemen ay ku sugan yihiin, waana weerarkii afaraad oo ay si wadajir ah u fuliyaan xulafada.

Mareykanka ayaa sheegay in weeraradii Sabtidii lagu bartilmaameedsaday xarumaha kaydka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamka difaaca hawada, raadaarrada iyo diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin dhaqdhaqaaqa mintidiinta.

UK waxay sheegtay in xulafadu ay talaabadan u qaadeen si ay u “hoos ugu dhigaan” awoodaha Xuutiyiinta.

Waxaa jiray weeraro isdaba joog ah oo ay Xuutiyiinta ay Iran taageerto ku qaadeen maraakiibta mara marinka muhiimka ah ee ganacsiga badda cas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply