January 24, 2025

Milatariga Israa’iil ayaa soo saaray natiijooyinkii ugu horreeyay ee baaritaankooda ku aaddan weerarkii Isniintii lagu dilay 7 ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza.

Waxa ay sheegeen in shaqaalaha weerarka lagu bartilmaamedsaday kolonyada gargaarka ay ahayd qalad weyn oo ka dhashay saddex cilladood oo waaweyn.

IDF waxay sheegtay in hawl-wadeennada aan duuliyaha lahayn ay ku qaldeen shaqaale gargaar inuu yahay nin hubaysan, ka dibna ay gantaal la beegsadeen mid ka mid ah baabuurta hay’adda gargaarka ee World Kitchen.

Milatariga Israa’iil ayaa hadda waxaa uu sheegay in shaqada laga eryay saraakiil sare kadib markii shaqaale hay’adeed lagu dilay Gaza.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay shaqada ka eryeen laba saraakiil oo sarsare oo hoggaaminayay guutadii ku lugta lahayd dilka shaqaale ka tirsanaa Hay’adda World Central Kitchen (WCK).

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply