February 11, 2025

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa shaaca ka qaaday musuqmaasuq iyo wax isdaba marin halakeeyay hawlgallada ciidamada Soomaaliya, taa oo sababtay in niyadda ciidamada dagaalka ku jira ay hoos u dhacdo, laguna guuleysan waayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Musuqmaasuqa iyo maamul xumada ayaa ah sababaha keenay in niyad jabka ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Niyadda ciidanka waa qodob go’aamiya xaalad kasta oo dagaal. Loojistikada liidata ayaa hoos u dhigtay horusocodka ciidamadeena, waxa ay wiiqday niyadooda, waxa ayna caqabad ku noqotay wax qabadkooda ciidannimo, kadib markii sahaydii ciidanka lagu wareejiyay shirkado musuq maasuq ah oo xiriir dhow la leh Villa Somalia,” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa kashifay in qorshihii dhismaha ciidanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu isu rogay mashruuc lacag ay ka sameeyaan shirkado ku xiran Villa Somalia, oo sidaasi faa’iido uga sameeya.

Waxayna arrintan keentay in hub fara badan iyo rasaas loo weeciyo suuqyada, laguna kala iibsado.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply