Taliska ciidanka milatariga waddanka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska badda ee ay dhowaan dowladdooda la gashay maamulka Somaliland, kana dhacay magaalada Addis Ababab.
Qoraal uu soo saaray milatariga, laguna baahiyay boggooda ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay lahaan jirtay bad, xilli dalal badan oo Afrika ah la gumeysan jiray.
Sidoo kale milatariga uu sheegay in ciidamada badda ee Itoobiya la dhisay sanadkii 1948, ayada oo ujeedka uu ahaa inay sugaan amniga Badda Cas iyo Cadan.
Arrinta heshiiska oo keentay buuq xoogan waxa ay sheegeen in aysan dhag jalaq usiin doonin , isla-markaana ay naftooda u huri doonaan fulinta heshiiskaasi oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadu sheegtay inuu xagudub ku yahay madax banaanida dalka.
Talisku wuxuu sheegay in heshiiskan uu yahay mid fursad dahabi ah siinaya Itoobiya, uuna soo celinayo taariikhdii hore ee Itoobiya, siday hadalka u dhigeen militarigu.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen Itoobiya ganacsigeeda uu ku xiran yahay badda, ayna kordhayaan tirada Itoobiyaanka oo kusii socda 150 milyan, sidaas daraadeedna ay xaq u leeyihiin in laga fakiro mustaqbalka dadkaasi, si ay helaan bad iyo marin biyood intaba.
Waxaa kale oo uu milatarigu ku dooday in badda Soomaaliya ay bahalo galeen noqotay, ayna ka faa’iideystaan burcad badeedda iyo argagixisada, sidaas daraadeedna ay arrintaasi halis ku tahay Itoobiya, kana hortegi doonaan, ayaga oo sugayo amniga biyahaasi.
Si kastaba, hadalkan ayaa sii hurinayo xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka dhalatay dhaleeceyn xoogan oo ay la kulmeen labada dhinac.
Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u qaaday tallaabo ka dhan heshiiska Addis Ababa, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, si ay ula sameyso latashi guud.
Xigasho
Office Nairobi Kenya