Hogaamiyaasha millatariga Mali ayaa soo afjaray heshiis nabadeed 2015kii oo ay la galeen fallaagada Tuareg ee waqooyiga dalka, tallaabadaas oo sii khalkhal gelin karta xasilloonida qaranka ku yaalla saxaraha Sahel.

War qoraal ah oo laga akhriyay telefiishanka dawladda, ayuu af hayeenka ciidamada milateriga Col Abdoulaye Maïga ku sheegay in ay heshiiska u soo afjareen “isbeddel ku yimi [mawqifka] kooxaha saxiixayaasha qaarkood” iyo “filalka cadaawadda ah” ee dhexdhexaadiyaha heshiiska, ee Algeria.

Heshiiska nabadeed ayaa loo arkayay mid fure u ah ilaalinta xasiloonida dalka, maadaama Tuaregs ay tan iyo sanadkii 2012-ka fulinayeen falal rabshado ah oo ka dhan ah dowladda dhexe.

Sidoo kale Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Algeria.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply