Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa dhaleeceeyay xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Democratic Alliance (DA) ka dib markii ay ka codsadeen Mareykanka iyo wadamada Yurub inay kor kala socdaan doorashooyinka soo socda.
Xisbiga ayaa codsigan ku gudbiyay warqad uu todobaadkii hore u diray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo qaar ka mid ah wasiirada arrimaha dibadda ee Yurub.
“Warqadda uu xisbiga DA ay u dirtay dowladda Mareykanka waa mid been abuur ah waxayna ku dhowdahay inay isku daydo inay dalkeenna ka iibiso quwadaha kale ee adduunka,” Madaxweyne Ramaphosa ayaa sidaas waxaa sidaas ka soo xigatay warbaahinta dowladda ee SABC.
Xafiiska wararka Muqdisho