September 12, 2024

Wararka ka imanaya Koonfur Afrikan  ayaa sheegaya in Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay   muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Moha Daimon kudileen degaanka Soomaalida u badan tahay ee Belville ee Magaalada Ceptown.

Kooxaha oo dilka u adeegsaday Tooreey ayaa waxaa la sheegay inay muwaadinka Soomaaliyeed ay ka qaateen Gaari nooca raaxada ah oo uu ku Shaqeysanayay.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Soomaalida kunool goobta uu dilka ka dhacay ay ku wargeliyeen falkaasi Booliska taas oo keentay in gacanta lagu dhigo burcadii ka dambeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply