Nigeria ayaa gacanta ku dhigtay 21 baabuur oo siday raashiin u socday dalalka Chad, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Kaamiruun xilli ay gabaabsi yihiin cunnooyinka muhiimka ah.
Cunno yaraantan ayaa qeyb ka ah mid la xiriirta tahriibka waxaana ay dibadbaxyo ka dhalisay dhowr gobol.
Guddiga dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda ee loo soo gaabiyo (EFCC) ayaa daaha ka qaaday raashinka lagu qariyay badeecooyinka guryaha ee waqooyi-bari ee gobolka Borno.
“Xannibaadda baabuurta xamuulka ah waxaa la filayaa in ay joojiso qulqulka cunno yarida ee ay sababaan kuwa aan damiirka lahayn ee wax tahriibiya ee dalka oo dhan,” ayay EFCC ku tiri hadal ay soo saartay.
Dowladda Nigeria ayaa qorsheyneysa in ay bilowdo qeybinta 42,000 oo tan oo hadhuudh ah dalka oo dhan si ay u qaboojiso cadhada dadwaynaha ee ka dhalatay sicir bararka cuntada.
Dhibaatada cunnada ee Nigeria ayaa qayb ahaan lagu eedeeyay go’aankii madaxweyne Bola Tinubu uu ku joojiyay kabidda shidaalka bishii May ee sannadkii hore.
Xiisadan ayaa waxaa ka ugasii daray qiimo dhac ku yimid lacagta dalka ee lacagta Nayra, taasoo sare u qaadday qiimaha raashinka.
Bangiga Horumarinta Afrika ayaa $134m ugu deeqay Nigeria si kor loogu qaado wax soo saarka cuntada ka dib digniintiisii bishii February ee ahayd in dalku uu wajihi karo qalalaase bulsheed oo ka dhasha dhibaatada nolosha qaaliga ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho