Tobannaan dad barakacayaal ah ayaa kooxo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Boko Xaraam ay ka afduubteen gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria.
Saraakiisha ayaa sheegay in dhibanayaasha la qabtay xilli ay xaabo ka guranayeen meel kayn ah.
Ilaa hadda ma cadda tirada dadka la la’yahay iyo goorta la qaaday.
Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegay in la afduubtay in ka badan 300 oo u badan haween iyo gabdho balse taasi si madax banaan looma xaqiijin.
Wakaalada wararka ee AFP ayaa loo sheegay in 47 haween ah wali la la’yahay.
15-kii sano ee la soo dhaafay, kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa weeraro iyo afduubyo joogto ah ka geystay waqooyi bari Nigeria, halkaasoo ay ku barakiciyeen laba milyan oo qof.
Dhacdadan ayaa timid kadib markii maamulka gobolka Borno uu sheegay in ku dhawaad dhammaan dagaalyahanada Boko Xaraam ay dhinteen ama ay isku dhiibeen maamulka.
Xafiiska Wararka Muqdisho