October 31, 2025

Nikki Haley ayaa ka hartay tartanka madaxtinimada Arbacada, sida ay sheegtay warbaahinta CBS news, oo ah saaxiibka BBC-da ee Mareykanka.

Haley waxa ay qorshaynaysaa in ay jeediso khudbado abaaro 10:00 EST (15:00 GMT) iyada oo ku dhawaaqaysa in ay hakisay tartankeedii madaxtinimo, sida ay sheegtay laanta Maraykanka ee BBC, CBS News.

Waxay timid ka dib markii Haley ay ku guuleysatay kaliya gobolka Vermont 15-kii gobol ee doorashada kala reebka musharraxiinta Jamhuuriyiinta ee Super Tuesday.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Donlad Trump uu si rasmi ah u noqon doono musharraxa madaxweynaha ee xisbiga jamhuuriga.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply