January 25, 2025

Eedeysane lala xiriirinayo toogashadii iyo dhacii loo geystay Aadan Cali Maxamed ayaa lagu qabtay magaalada Mombasa sida ay sheegeen booliska oo ku raad-joogay tan iyo markii ay dhacada dhacday.

Soomaaligan 26-jiraka ah ayaa Sabtidii la soo dhaafay laga dhacay qiyaastii $31,000 oo doolar Xilli uu saarnaa mooto laba lugaaleey ah ka hor inta aan la toogan.

Shaqsigan gacanta lagu dhigay oo lagu raad-joogay ayaa lagu qabtay magaalada xeebta ku taalla, waxaana la qabtay xilli uu sugayay inuu soo iibsado gaari uu u isticmaalo si shaqsi ah, sida ay sheegeen booliiska.

Sidoo kale Dambi baarayaasha hor kacaya baaritaanka ayaa sheegay in ay raadinayaan tuhmaneyaal kale oo ku lug lahaa weerarkii 30-kii Maarso lagu beegsaday Aadan oo hadda la jiifo dhaawacii ka soo gaaray.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply