Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax goor dhawayd ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lala eegtay Ciidamno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Askartan oo ku sugnaa bar kantarool ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka lala eegtay qarax miino oo goobta la dhigay sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in 5 qof ay ku dhaawacntay oo mid ka mid ah uu yahay askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo dhaawacyadooda goobta laga qaaday.
Sidoo kale qaraxa kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda , waxay goobta ay ka qab qabteen tiro dad ah oo ay ku eedaynayaan falal amni darro.
Xafiiska Wararka Muqdisho