Sanduuqa taageera Carruurta ee Qaramada Midoobay loona soo yareeyo UNICEF ayaa warbixin kasoo saaray xaaladaha nafaqo-darrada ah ee ka jira Magaalada Gaza kaddib markii ay go’doon dhinaca cunnada ah ay geliyeen Israaiil.
Warbixinta UNICEF ayaa lagu sheegay in Isbitaalka Kamal Adwan ee Magaalada Gaza ay ku geeriyoodeen 15 Carruur oo xaaladdaas darteed u naf baxay waxaana uu soo jeediyay sanduuqu in la helo xal degdeg ah si ubadkaas loo badbaadiyo.
Mas’uuliyiin katirsan UNICEF oo soo xigtay saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Kamal Adwan ayaa sheegay in ay jiraan Carruur kale oo xaaladdoodu aad u liidato kuwaas oo u baahan daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Sidoo kale Cunno la’aanta waxaa Dadka usii dheer Dawo la’aan iyo xasilooni darro waayo qof weliba oo ku sugan Magaalada Gaza waxa uu daqiiqad weliba oo noloshiisa soo marta uu ka cabsi qabaa duqaynta arxan-darrada ah ee Yuhuudda gaysanayso.
Xafiiska Wararka Muqdisho