Warara dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo ka dhacay xalay magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa xalay lala eegtay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho oo marayay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Muuqaallo naxdin leh ayaa laga soo qaaday goobta qaraxu ka dhacay, waxaana jira dhaawac intaas ka badan oo qaarkood la sheegay in ay yihiin kuwa culus.
Ciidamada amniga iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa xalay halkaas gaaray oo soo daabulay dhaawacyada iyo meydadka dadkii Qaraxa ku geeriyooday
Xafiisska Wararka Muqdisho