April 28, 2025

Wararka ka imaanaya dalka Qatar  ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas ibraahim Sheekh Muxudiin oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Qatar uu la kulmay dhigiisa dalka Qatar Sareeye Guud Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit.

Labada Taliye ayaa ka  wada hadlay arimaha saldhiga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dowladood, Soomaliya iyo Qatar.

Waxaa si weyn labada Taliye ay uga hadleen sidii loo xoojin lahaa Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  oo dhinac kasta leh, Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo in sare loo qaado Deeqaha waxbarasho ee la siiyo Saraakiisha Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin caddow ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay Dowladda Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyed, waxuuna balan qaaday in xariirka labada dal uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Xafiisska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply