December 6, 2024

 

Warar kala duwan aya kasoo baxay dagaal u dhexeeyo ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad iyo kooxdkisa Alshabaab oo haatan kasocdo Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay iney u suura gashay inay ka hor tagaan weerarka oo xogtiisa la sii hayey.

“Waxaa weli socda howlgalkaas oo looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaasoo meydadkooda ay goobta daadsan yihiin” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka militariga oo qeyb ka ah howlgalkaas.

Sawirro laga soo qaaday meydadka xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgalkaas iyo maxaabiis nolosha lagu soo qabtay oo ay ku jiraan caruur hubeysan ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay iney saacadaha soo socda faahfaahin buuxda ka bixin doonaan howlgalkan.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply