October 5, 2024

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre oo uu Wehliyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed salaad ayaa kor meeray oo Xariga ka haray suuqa caalamiga ah ee LC WAIKIKI, kaas oo laga hirgeliyey Muqdisho.

 

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in kobaca ganacsiga caasimadda uu aas-aas u yahay xasilloonida amni ee ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, taas oo ku dhiirri-gelinaysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay aaminaan maalgashiga dalkooda.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo ka soo dukaameystay suuqan casriga ah, ayaa ammaanay ganacsatada ka hirgelisay suuqan caasimadda, taas oo muujinaysa in ganacsiyada caalamiga ah ay dib ugu soo laabanayaan dalka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Leave a Reply