September 12, 2024

Wararka ka imaanaya Xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Cabdullaahi Aadan Muuse uu  Gudoomiyay Shirka Gudoonka Cayaaraha Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyeyaasha Isboortiga ee Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Mudane Xasan Aadan Yabarow (Wiish) ayaa ka warbixiyay horumarada iyo dhaq-dhaqaaqa Isboorti ee ka socda Degmooyonka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona inta shirka uu socday lagu soo dhaweeyay Guddoomiyeyaal cusub oo dhanka Isboortiga, kuwaasi oo dhawaan loo magacaabay Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdullaahi Aadan Muuse ayaa kula dar-daarmay Mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka Banaadir in la xoojiyo wada-shaqeynta, isla markaana la dar-dargeliyo howlaha lagu hormarinayo Isboortiga, maadaama cayaaraha ay yihiin isdhex gal bulsho.


Xafiiska wararka Muqdisho

Leave a Reply