September 12, 2024

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre  ayaa xalay  booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee magaalada Muqdisho.

 

Ujeedma Xamza ayaa ahaa si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay Al-Shabaan ku qaaday hotel SYL Habeen hore

Ra’iisul Wasaaraha oo mid mid u dul istaagay ayaa alle uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Sidoo kale wuxuu ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply