December 4, 2024

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya, Xamsa Cabdi Barre uu  daah furay Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya.

,Wararka  ayaa sheegaya xafladaan ay ka dhacday magaalada Muqdisho, dowladnimo casri ah oo ka taabagasha Soomaaliya in loo baahan yahay jid ka duwan kii hore in aan qaadno.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in hannaanka casriyeynta dowladnimada Soomaaliya uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya hannaanka shaqo iyo maamul ee dalka, isaga oo tilmaamay si hadafkaas looga miro-dhaliyo loo baahan yahay in shaqooyinka iyo heerarka kala duwan ee dowladda lagu saleeyo aqoon, karti iyo tartan daah-furan

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply