Tobaneeyo Falastiiniyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in la dilay xilli ay sugayeen cunno gargaar oo ku sugneyd waddo ku taal koonfurta-galbeed ee magaalada Gaza, iyadoo Israa’iil ay sii waddo duullaanka ka dhanka ah Xamaas.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda gargaarka degdega ah ee isbitaalka Al-Shifa, ugu yaraan konton qof ayaa ku dhintay.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya qaar kamid ah dadka dhintay oo lagu soo qaaday gaari dameero.

Saraakiisha falastiiniyiinta ayaa eedeyn u jeediyay militariga Israa’iil.

Ciidamada ayaa sheegay in aysan waxba kala socon duqeymaha ay Israa’iil ka geysaneyso deegaanka.

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply