January 14, 2025

 

Ra’iisul Wasaarihii hore ee  Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku baaqay in difaac laga galo damaca Xukuumadda Abiy Ahmed ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah Badda Soomaaliya.

Cumar ayaa sheegay in marka la eego Abiy Ahmed uu yahay qof ku dhiirran kara dagaal sidaas awgeed loo baahan yahay in hadda feejignaan dheeraad ah laga galo si looga gaashaanto isku day weliba oo ka imaan kara dhinaca Itoobiya.

Sidoo kale Waxa uu ku sifeeyay Abiy Ahmed in uu yahay nin xaalad qir iska tuur ah ku socda maadaama Magaalada Addis Ababa ay kusii dhawaanayaan dhinacyada mucaaradsan balse culayskaas uu isaga dejinayo damaca gurracan uu leeyahay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in aanay habboonayn in loo ogolaado Abiy Ahmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo arrintaan.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply