September 18, 2024

 

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan Abdalla Hamdok ayaa BBC u sheegay in qeyb ahaan uu beesha caalamka ku eedeynayo dagaalka ba’an ee ka socda dalkaas oo hadda socda bishii 10-aad.

Mr Hamdok ayaa barnaamijka HARDTalk ee BBC-da uga waramay iskahorimaadka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF. Waxa uu rajo xumo ka muujiyay beesha caalamka oo uu sheegay in ay ku guuldareysteen in ay gacan ka geystaan ​​sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka Sudan kadib markii xilka laga tuuray madaxweynihii mudada dheer xukumayay ee Cumar Al-Bashiir sanadkii 2019-kii.

Mr Hamdok ayaa markii ugu horeysay noqday ra’iisul wasaare kadib markii uu xilka ka tagay Bashiir balse ugu dambeyn waxa uu ka tagay xilka, kadib markii wakhti kooban oo xilka hayay, sanadkii 2022-kii xiligaasi oo ay socdeen dibadbaxyo iyo khilaaf soo kala dhexgalay ciidamada.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply