Boqolaal qof oo beeraley ah oo ka kala yimid Yurub ayaa sii wada mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan qiimaha sare u kaca iyo sharciyada Midowga Yurub.
Booliska Belgian ayaa qiyaasey in ku dhawaad kun cagaf cagaf la dhex dhigay magaalada, kuwaas oo xiray waddooyinka waaweyn. Beeraleyda qaar ayaa dab ku shiday fagaaraha ka baxsan baarlamaanka Yurub, waxaana saraakiisha ay xireen dhismayaasha golaha.
Dhibaatada beeralayda ee Yurub si rasmi ah uguma jirto ajandayaasha shirwaynaha halkaas socda laakiin waa hubaal in laga wadahadli doono. Beeraleydu waxay sidoo kale sii wadaan inay xannibaan waddooyinka Paris maalintii afraad.
Office Nairobi Kenya