R/Wasaare kuxigenkii hore aheydna Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa usharaxan guddoomiyaha Midowga Africa, iyadoona dowladda kenya ay soo sharaxday Raila Odinga oo wax badan soo hoggaaminaayay dalkaas, haatana ah mucaaradka ugu weyn ee dalkaasi.
Sidoo kale, Muusa Faki Maxamed oo ah guddoomiyaha Midowga Africa una dhashay dalka Chad, soona qabtay xilka guddoomiyaha Midowga Africa labo jeer, ayaa waxa uu waqtigiisa uu ku egyahay bilowga sanadka cusub ee 2025.
Dhanka kale, Raila Odinga maalintii uu shaaciynaayay musharaxnimadiisa ah in uu kursiga guddoomiyaha Midowga Africa ayaa waxaa dhinac taagnaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo, oo haatan loo magacaabay dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wakiilka Soomaaliland ee Kenya Maxamed Barawaani ayaa sheegay in Raila Odinga uu yahay halyeey uqalma inuu qabto xilka guddoomiyha Midowga Africa, taas oo ay Soomaaliland kaga dhigantahay in ay siweyn uu xiizeyneyso in Raila Odinga uu qabto xilka guddoomiyaha Midowga Africa.
Soomaaliya ayaa iyadana waxaa usharaxan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadana kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliland, lakiin Soomaaliland in Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan qabato xilkaas waxa ay ka doorbideysaa in Raila odinga uu qabto xilkaas, iyadoona garab ugu raadinaaya damaca ay Itoobiya badda ku siiyaan.
Inta badan Raila Odinga ayaa fagaaraha kutaageera qadiyada aqoonsi uraadinta Soomaaliland, isagoona ugu baaqay golaha fulinta Midowga Africa in ay Soomaaliland u aqoonsadaan dal madax banaan.
Ugudambeyn, wali wax jawaab ah kama soo bixin dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku aadan musharaxnimada Raila Odinga, oo banaanka la’imaaday fikir xad-gudub ku ah madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho