September 12, 2024

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda FS Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalom Fiqi.

 

Wasiirrada la kulmay Ra’isul wasaare Xamse Bare waxa ka mid ahaa  Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

Sidoo kale  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa saddexdii maalin ee tagtay shir guddoominayay “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir” taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaasi iyaga oo isafgarad ka yeeshay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hormarinayo dowladaha hoose.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply