February 11, 2025

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Paris  ayaa sheegaya in halkaas uu gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Biixi Imaan Cige.

 

Wararka ayaa sheegaya in Wafdiga Wasiirka ay kaga qeyb galayaan Magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ay u tageen  dhameystirka iyo wada xaajoodka Wadamada ku bohoobay 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 (𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛) oo in ka badan hal bilyan ka saamaxay Dowladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS oo ay safarkiisa ku wehliyaan guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa ugu horeyn waxa ay kulan muhiim ah la qaateen madaxda sare ee Hey’adda Horumarinta France ee magaceeda loo soo gaabiyo ‘AFD’ taas oo ka shaqeysa horumarinta Dhaqaalaha Dalalka soo koraya, sidoo kalena ka mid ah Hey’adihii Soomaaliya Deynta ka cafiyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply