Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi eee Dalka Kenya  oo saacadihii la soo dhaafay Roobab xoog leh   ka da’een ayaa sheegaya in Diyaarado ku soo Dagi lahaa Garoonka Joma Kenyata loo weeciyay magaalada xeebeedka Mombasa

Wararka ayaa sheegaya in Diyaarada loo weeciyay magaalada Mombasa ay ka mid tahay Diyaarada daalo Ailines oo shalay xamar ka timid, kadib markii Roobab xoog leh   uu saameeyay dhabaha ay Diyaaradaha ku cararaan oo laga soo dagi waayo.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda diyaardaha Daallo ayaa BBC u xaqiijiyey in dayaaradooda oo rakaab badan wadday ay ku degtay Mombasa, isla markaana la filayo inay dhawaan halka ka soo duusho oo Nairobi timaado.

Sidoo kale Roobab xoog leh oo ka da’ay magaalada Nairobi ayaa keenay in dayaaradda Daallo iyo qaar kale ay galinkii dambe ee shalay  u suurto gali weyday inay ku degaan garoonka Jomo Kenyatta.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply