Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Saddex Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Hargeysa xabsiga laga sii daayey.

Wararka ayaa sheegaya in  ciidanka Booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen  Sadaxdaas Xildhibaannada oo lagu eedeeyey in ay isku dayeen in ay is hor taageen goob dhisme looga dhisayey Maamulka Degmada 26-ka June ee Hargeysa.

Sidoo kale Xildhibaannada oo kala ahaa Siciid Jaamac Cali,Cabdiraxmaan Cabdillaahi Fidaar iyo Maxamed Abiib Siikaawi, ayaa markii la soo daayey warbaahinta u sheegay in loo xidhiidhay diidmo ay ka muujiyeen dadweyne laga rarayey goobo ay ku ganacsan jireen oo ku taala xarunta loo yaqaano Xisbiga, oo dad danyar ahi ku ganacsadaan wakhtigan, balse Dawladda hoose doonayso in ay ka dhisto Xarun Maamulka Degmada 26-ka June ay degto.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply