Wararka ka imaanaya saakay gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas oo ay xalay ka da’een roobab mahiigaan ah.

Roobabkan oo socday in ka badan afar saacadood oo xiriit ah ayaa ka da’ay xaafadaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Biyaha ayaa gudaha u galay qaar kamid ah xaafadaha degmada Beledweyne, taas oo kordhisay xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Xaafadaha ugu daran ee dhibaatada laga soo wariyay ayaa waxaa kamid ah Kooshin iyo Xaawo Taako oo shacabku bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda.

Barakacayaasha ayaa intooda badan gaaray bariga magaalada, gaar ahaan deegaanka Ceel Jaale oo ay inta badan dadka ku barakacaan mar kasta oo ay fatahaad dhacdo.

B/weyne ayaa caan ku ah in ay sanad kasta ka dhacaaan fatahaad iyo Biyo baxdo sanad kasta marka uu yimaado roobka, waxaana halkaas ka dhasha qasaare kala duwan iyo barakac.

 

Xafiiska wararka muqdisho

 

Leave a Reply