Wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegay in ciidamada amniga gudaha ay dileen dhowr maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, kuwaas oo la sheegay in ay doonayeen in ay weeraraan kaniisada Moscow.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda IS ay saldhigeedu ahaa Kaluga oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Moscow, waxaana xubnaha la sheegay inay kasoo jeedaan Afgaanistaanay iska caabiyeen in la xiro kadibna lagu toogtay rasaas.
Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in la helay hub, rasaas iyo qalab lagu sameeyo bambooyinka.
Xafiiska Wararka Muqdisho