Saddex qof ayaa ku dhaawacantay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay goob tareenada laga raaco oo ku taal magaalada Paris ee faransiiska, sida ay booliisku sheegeen.
Hal qof ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray caloosha intii ay socotay tooriyeynta oo ka dhacday Gare de Lyon subaxnimadii Sabtida.
Qof laga shakisan yahay ayaa xiran. Booliska ayaa sheegay in uu yahay muwaadin u dhashay dalka Maali kaas oo saraakiisha booliska u dhiibat shatiga gaari wadista oo laga leeyahay Talyaaniga.
Dhowr jeer oo hore waxaa magaalada Paris ka dhacay weeraro mindi loo adeegsaday. Bishii Disembar , qof dalxiise ah ayaa lagu dilay halka laba kalena lagu dhaawacay meel u dhow dhismaha loo dalxiis tago ee Eiffel.
Bishii Janaayo ee sannadkii hore, lix qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii ay tooriyeyn ka dhacday caasimadda Gare du Nord.
Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha weerarkii Sabtidii uu dab qabadsiiyay boorsadiisa, ka hor inta uusan dadka ku weerarin mindi iyo dubbe. Waxaa la tacaalay saraakiisha ilaalada gaadiidka iyo dad ag taagnaa.
Saraakiisha uu soo xigtay wargeyska Le Parisien ayaa ku tilmaamay ninka weerarka lagu eedeeyay inuu ahaa 32 jir magangalyo doon ah oo si sharci ah ugu noolaa Talyaaniga tan iyo 2016-kii.
BBC
Office Nairobi Kenya