\Safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya ayaa laga codsaday inay soo xaqiijiso sugnaanshaha da’da 8 burcad-baddeed oo da’yar sheegtay iyo guud ahaan dukumentiyada dhalashada, shahaadooyinka iyo aqoonsiga ay burcad-baddeeda haystaan.
Sidoo kale, dacwad-oogaha khaaska ee maxkamadaha Hindiya, Iqbal Solkar ayaa ku baaqay in la soo caddeeyo dukumentiyada ay haystaan, iyadoo 7 Burcad-baddeed sheegatay inaysan qaan gaarin kadib markii lagu sameeyey baaritaano dhanka da’da lafaha lana ogaaday inay da’dooda ka weyn tahay 20 jir.
Dhanka kale, toddobada eedeysane waxaa la sheegay in loo gudbiyey hoyga Carruurta lagu hayo ee dongri ee Koonfurta magaalladda Mumbai ee dalkaasi, si halkaasi loogu hayo inta ay kasoo qaan gaarayaan.
Tan iyo bishii March 24-dii waxay booliska Hindiya baaritaano ku hayaan 35 muwaadiniin Soomaali oo loo haysto afduub, kuwaasi oo laga soo qabtay Badda Carbeed oo 482 KM u jirta Dekedda magaalladda Garacad ee W/bari ee Soomaaiya.
35 Burcad-baddeeda ayaa la amray in lagu sii hayo xabsiga muddo 14 maalmood oo dheeraad ah, halka 7 kalena kiiskooda loo gudbiyey maxkamadda Khaaska uu ah dadka aan weli qaan gaarn (The Juvenile Court).
Burcad-baddeedaasi ku xiran dalka Hindiya waxaa la sheegay inay bishii December 14-dii ee sannadkii hore qafaasheen Markabka xamuulka ee MV RUEN oo ay la socdaan 17 Badmaaxiin.
Hadal ka soo baxay taliska ciiddanka badda ee Hindiya ayaa lagu sheegay in Burcad-baddeeda Soomaalida lagu qabtay labo doonyaha dheereeya, 3 Matoor, 196 rasaas nool, hal khasnad, mindi iyo qalab kale, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Illaa 27 ka mid ah 35-ka Eedeysane ayaa lagu soo oogay fal-dembiyeedyo ku xusan xeerka ciqaabta dalka Hindiya sida isku-day dil, afduub, xabsi aan sharci ahayn, hanjabaad iyo falal xadgudub ku ah sharuucda hubka iyo baasaboorada ee Xeerka ciqaabta dalkaasi.
Xafiiska Wararka Muqdisho