.

Safiirka Ruushka u fadhiya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Vasily Nebenzya ayaa ka hor codeynta si cad u sheegay diidmada Moscow ee qaraarka qabyada ah ee Mareykanka.
Waxa uu ku eedeeyay Maraykanka in aanu waxba ka qabanayn waxa ay Israa’iil ka waddo Qasa, waxana uu ku majaajilooday Washington in ay ka hadashay xabbad-joojin ka dib markii “Qasa gabi ahaanba laga tirtiray dhullka”.
“Waxaan aragnay muuqaal munaafaqnimo oo caadi ah,” ayuu yidhi.
Nebenzya ayaa sheegay in qaraarku uu “xaqiijiyay ciqaab la’aanta Israa’iil, oo dembiyadooda aan xitaa lagu qiimeyn qabyo-qoraalka”.
Xafiiska Wararka Muqdisho