Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Safiirkii Itoobiya u fadhiyey magaalada Muqdisho Danjire Mukhtaar Maxamed Waare uu shalay ka duulay magaalada Muqdisho.
Weli ma cadda haddii safiirka ay cayrisay dowladda federaalka Soomaaliya iyo haddii ay u yeertay dowladdiisa. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan labadaba wax war ah kasoo saarin bixitaanka safiirka
Sidoo kale Bixitaanka safiirka ayaa timid shan maalmood kadib markii Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya, ayada oo ka careysan heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland oo sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.
Dhul-badeedkaas oo dhan 20 km ayey Somaliland sheegtay inay ku beddelatay in Itoobiya ay siiso aqoonsi. Hase yeeshee Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay hesho badda kadib ay darsi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.
Office Nairobi kenya