.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay dadkii dibadbaxyada ka dhigay deegaanno ka tirsan gobolka Awdal, sida magaalada Boorama iyo degmada Lughaye isla markaana looga soo horjeeday heshiiskii is af-garadka ahaa ee dhawaan dhex maray raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madax bannanaida ugu dhawaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadkaasi ay muujinayeen dareenkooda ku aaddan sida ay uga soo horjeedaan heshiiskaas iyo in Itoobiya aanu gacanta u galin dhul Soomaali leedahay.

“Waxaan ammaanayaa oo aan bogaadinayaa wiilasha iyo gabdhaha dhalinyarada ah ee qaarkood xabadaha lagu ridayay ee qaarkood la kala cayrinayay ee qaarkood xirxiran,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya aaney gorgortan ka geli karin taako ka mid ah dhulkeeda, isagoo Itoobiya uga digay in aysan ku kadsoomin “badda iyo dhulka Soomaaliyeed” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu madaxweynuhu hadalkan ka jeediyay kulan casho ahaa oo xalay uu ugu sameeyay magaalada Muqdisho baarlamaanka labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Xigasho

Office Nairobi kenya

Leave a Reply