Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda gobollada dalka.

Sheekha oo ka qayb-galay kulan looga hadlaayay dardar-gelinta dagaalka socda ayaa ugu horreytii boggaadiyay kaalinta madaxweynaha ee ku aadan hoggaaminta howlgalladaasi.

Sidoo kale waxa uu farriin u diray wasiirada iyo xildhibaanada baarlamaanka oo uu ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dagaalka ka socda dalka.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale soo jeediyay laba hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabaab oo midda koowaad ay tahay in lasii xoojiiyo shacabka, lana hubeeyo.

Sidoo kale Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka oo dhul badan ka xorreeyay Shabaab.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply