April 28, 2025

Shirkadda EasyJet ayaa xaqiijisay in ay baajisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi lahay Tel Aviv illaa bisha Oktoobar. Go’aan kan ayaa daba socda weerar kii Iiraan ku qaaday Israa’iil dhammaadka todobaad kii hore.

Shirkaddan ayaa dhawaan uun dib u bilowday duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israa’iil, kaddib markii ay muddo hakisay, xiligaas oo ahaa, markii uu dhacay weerar kii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar sanad kii hore.

Shirkadda EasyJet ayaa sheegtay in go’aan kan ay u qaadatay “xaaladda oo ka sii daraysa”. Shirkadda waxa ay u si buuxda lacagtooda ugu celin doontaa macaamiishii ka goosatay tikidhada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply