Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga jawaabay go’aanka dowladda federaalka ay wax uga bedeleyso dastuurka dalka iyo hadalkii Sheekh Cali Wajiis ee ahaa in dowladda federaalka ay weerari karto maamul goboleedkii amaradeeda diida.
Wasiirka ayaa su’aal geliyey wax la isku weerarayo hadiiba la bedelay dastuurkii heshiiska lahu ahaa, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu gaaray go’aan isaga u gaar ah oo danta umadda Soomaaliyeed aysan ku jirin.
Sidoo kale, wasiir Maxamuud ayaa sheegay in culimada Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ay ka jawaabeen hadalkii Sheekh Cali Wajiis, isla markaana ay Puntland cadeyneyso in fadwada Shiiqaas ay ka digeyso, dagaal ay la gasho dowladda federaalkana aysan diyaar u aheyn Puntland.
Wasiirka ayaa culimada uga digay inay dadka iyo dowladda fidno iyo dagaal sokeeye ku hagaan, “Qolo gaar ah halagu duulo waa fidno aan ka digeyno,” ayuu yiri.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku taliyey in horta maqaamka Muqdisho laga wadahadlo inta aan laga tashan nooca doorashada la qabanayo, “Muqdisho maxay noqoneysaa ma caasimad dowlad goboleed, mise caasiamdda umadda Soomaaliyeed, taas ayaa u baahan in la qeexo,” ayuu yiri.
Xafiiska Wararka Muqdisho