October 5, 2024

 

Waxaa sii kordhaya walaaca Soomaalida ku nool qurbaha ay ka muujinayaan is-afagaradkii Somaliland iyo Itoobiya ay wada gaareen bishii hore ee ku saabsanaa badda.

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa qabtay kulamo looga tashanayo arrinkaas, kuuwaas oo ka dhacay magaalooyin ay ku jirto Toronto.

Dhinaca kale, Dawladda Soomaaliya ayaa Axaddii shalay ugu baaqday ururrada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, inay mowqif mabda’ ku salaysan ka qaataan is-afgaradkii ay bishii hore kala saxiideen Itoobiya iyo Soomaaliya.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ugu baaqaysa ururradan inay cambaareeyaan is-afgaradkaasi “sharci-darrada ah” iyo “ku xadgudubka Itoobiya ee Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed Soomaaliya” – waa sida lagu yiri war saxaafadeedkaase.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply