Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo lala beegsaday suuq mashquul badan oo ku yaalla waqooyiga Suuriya.

Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ka dhacay magaalada Azaz ee gobolka Xalab, una dhow xadka Turkiga.

Ma cadda cidda fulisay weerarka ka dhacay magaaladaas oo ay maamulaan maleeshiyaad taabacsan Turkiga ee dagaalka kula jira madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.

Ciidamada Turkiga iyo xulafadooda ayaa gacanta ku haya dhul ballaaran oo ka tirsan Suuriya oo ku teedsan xadka ay wadaagaan labada dal.

Markii uu qaraxa ka dhacay suuqa ayaa waxaa ku mashquulsanaa dad u soo dukaameysanayay caruurtooda oo dhar cusub u soo iibsanayay ka hor Ciidul Fidriga oo ku beegan bisha soo socota.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdishi

 

Leave a Reply