Pope Francis ayaa fariintiisa soo jireenka ah ee Easter-ka u adeegsaday in uu ku baaqo xabad joojin ka dhacdo marinka Qaza iyo soo celinta la haystayaasha Israa’iil ee ay haystaan Xamaas.
Baadariga oo 87-jir ah ayaa kumanaan qof hortooda ku hogaamiyay fasaxa Easter-ka ee ay dadka masiixiyiinta u dabaal degaan.
Isaga oo tixraacaya iskahorimaadyada adduunka ka jira, Pope-ka ayaa sidoo kale ku baaqay in nabad ka dhacdo Ukraine.
Xafiiska Wararka Muqdishi