September 12, 2024

Switzerland ayaa sheegtay in nin adeer u ah madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo lagu magacaabo Rifaat al-Assad lagu maxkamadeyn doono dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland ayaa sheegay in eedeymaha ka dhanka ah Rifaat al-Asad ay la xiriiraan doorkii uu ku lahaa dagaalkii u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suuriya iyo kooxaha mucaaradka ah ee Islaamiyiinta horaantii kun sagaal boqol iyo sideetamaadkii. (Mucaaradku waxa ay isku dayeen in ay afgambiyaan dawladda Baath ee walaalkii Madaxweyne Xafid Al-asad).

Dacwad oogayaasha Swiss-ka ayaa markii ugu horeysay baaritaan ku furay adeerka xilli uu ku sugnaa hotel ku yaala magaalada Geneva sanadkii 2013.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply