January 24, 2025

Wararka ka imaanaya UK ayaa sheegaya in Wiil dhalinyaro ah oo soomaali ah lagu dilay magalada Sheffield kadib markii si xun loo toorriyeeyay.

Booliska UK ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Sacad Cali oo 24 jir ah, waxaana Adeegyada degdega ah ee gargaarka la wacay 4.35am subaxnimadii 9-kii Maarso Halka loo yaqaan Ponderosa Park ee agagaarka Netherthorpe ee magaalada ka dib markii laga helay wiilka oo la tooriyeeyay kaas oo qabay dhaawacyo badan oo mindi ah oo u marki danbe u dhintay.

Qoyska wiilka ayaa la wargeliyay .Qoyska ayaa codsaday in si gaar ah loo ixtiraamo wakhtigan adag.

Sodoo kale Madaxa dambi baarista Ben Wood, oo ah sarkaalka sare ee baaritaanka kiiskan, ayaa yiri: “Runtii waxa uu ahaa dil argagax leh oo soo gaabiyay nolosha nin dhalinyaro ah’’

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply