December 6, 2024

 

Haweeneydaan ku eedeysan iney gubtay ninkeedii ayaa magaceeda lagu sheegay Muno Awsame Xuseen, waxaana taliska uu sheegay in haweeneydaan lagu xiray Saldhiga Booliiska degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

“Taariikh 17/2/2024 Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay   Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay.  Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh” ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir.

Sidoo kale Maalmahii ugu dambeeyay waxaa Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ka dhacay dilal naxdinta leh oo ka dhex dhacay qoysaska Soomaaliyeed ee lamaanaha ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply