Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa faahfaahi dheeraad ah ka bixiyay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday oo ay maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka hortageen ciidanka milatariga oo kaashanaya kuwa boolis milataaro oo iyana qayb ka ah howlgallada ka socda halkaasi.
“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta ayaa a iska Caabiyay maleeshiyaadkii weerarka Nafla-caarinimada ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay dowladda.
Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isaga intaas ku daray in ciidamadu ay hayeen xogta weerarkaasi.
Taliyaha Xooga ayaa sheegay in khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu tiro beel yahay, balse ay soo bandhigi doonaan xogta rasmiga ah ee waxyeelada gaartay.
Xafiiska Wararka Muqdisho