Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Alshabaab loo baahan yahay in la xoojiyo isaga oo bogaadiyay doorka culimada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dhiirragelinta Dadka.
Gen. Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay diiradda saareen howlgallada ay wadaan isla markaana ay sii kordhinayaan si loo xoojiyo isbaddelka amniga ah ee jira oo ku yimid wadashaqayn Bulshada & Ciidanka.
Sidoo kale Sulub ayaa carrabka ku dhuftay in la dagaalanka waxlaha maanka-dooriya Iyana loo baahan yahay in la kordhiyo maadaama falalka ka dhasha isticmaalka walxahaas ay qayb ka yihiin kuwa dhaawacaya amniga, waxa uuna amaan u jeediyay shacabka Muqdisho siday ula shaqeeyaan Ciidamada Booliiska Gobolka banaadir.
Office Nairobi Kenya