February 11, 2025

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid dagaal oo loogu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa mid mid u kormeeray gadiidkaan Gaashaman oo loogu tala galay Guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadii lagu wareejiyey gaadiidkaan waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Guutada 14-ka October ee G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey).

Gaadiidkaan ayaa loogu tala galay halkaas guuto oo ka howlgasha gobolka Shabeellada Hoose, fadhigeeda ugu weyna uu yahay magaalada Marka.

Guutada 14-ka October ayaa ka mid ah geesiyaasha xoogga dalka ee Howlgalka adag ee ka dhanka ah Argagixisada ka wada gobalkaas Sh/Hoose, waxayna hadda heleen gaadiid u daboolaya baahiyo badan oo ay qabeen.

Sidoo kale Waxaa xusid mudan in guutooyin badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay gaadiid la’aan yihiin, haba ugu daraadeen ciidanka lagu soo tababaray Eritrea oo weli aan helin gaadiid ku filan, si ay u gaaraan gobollada fog fog ee Shabaab ka dagaalamayaan.

Sidoo kale gadiid badan ayey Shabaab ka gubeen ciidanka xoogga, gaar ahaan GorGor, dagaaladii ugu daraa ee gaadiidka lagu gubay waxay ka kala dhaxeen Caad, Cowsweyne, Ruun-nirgood iyo Galcad.

.

Xafiiska wararka Muqdisho

Leave a Reply