Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi ayaa shir Amniga looga had la qaatay saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan buuraha silsiladda Golis.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi uu shirkaasi la yeeshay taliyaasha ururada ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntlamd ee ka hawlgala buuraha silsiladda Golis ee Gobolka Bari.
Shirka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada magaalada Boosaaso Waxana lagu gorfeeyay dardar gelinta Hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidamada Puntland.
Sidoo kale Ugu dambeeyntii Shirka ayaa qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in la dar dar geliyo howl-galada ka dhanka ah Al-shabaab & Daacish ee ku sugan buuraha Silsiladda Golis , loona xoojiin laha Aminga Gobalka Bari” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi ka soo baxay Taliska Ciidanka Difaaca Puntland.
Xafiiska Wararka Muqdisho